jeudi 24 janvier 2008

Halxidhaale

Arintu kolkay maansada joogto waxaa is hal-xidhaaleeya laba nin ama laba kooxood oo collaad maanso ka dhaxayso. Collad maanso kolkaan lee yahay waxaan ujeedaa laba nin oo kol horre si uun u colloobay dabadeedna ay doodii la gaadhay in ay isu gabyaan oo uu mid waliba kan kale gantaalaha maansada naxariis la'aan ugu gamuuneeyo. Labadaa nin ama labadaa kooxood waxay isu gabyaan oo maskaxda ay tuujiyaanba, waxaa la gaadhi jiray heer dhinac waliba kan kale aqoontiisa maanso iyo tan garaadkiisa uu shaki galiyo. Markaa ayey fariimaha hal-xidhaaluhu bilaaban jireen, garsoore waxaa ka ahaan jiray bulshadii dhagaysanaysay ee ahayd ra'yul caamkii kasbidiisa dhinac waliba uu u halgamayey. Gabayaagii inta la hal-xidhaaleeyo furi waaya wuxuu mudan jiray quudhsiga bulshada, kii hal-xidhaalahaa lahaana wuxuu u muuqan jiray nin libaystay oo guuxa ragga iyo mashxarada dumarkaba mudan. Laga yaabe hal-xidhaaluhu waayadii horre in uu ku ekaa amaba looga dan lahaa qiimaynta xawliga garasho ee qofka loo jeedinayey. Hayeeshee, qaybaha maansada kolkuu ka mid noqday ayaa waxaa gadaalkii ul iyo diirkeed ama dun iyo lifaaqeed laga dhigay laba awoodood oo kala duwan. Waa awooda tirinta maansada iyo awooda furidda hal-xidhaalaha. Malaha waxaa la qiyaasayey hal-abuurku dadka intiisa kale in uu ka duwan yahay kuna tilmaaman yahay dareen soofaysan iyo degdeg wax u garasho heerkeedu sareeyo oo aan laga wada sinayn inta badanna lala wadaagin. Xeer adad oo la deg saday ayaa wuxuu ahaa aan gabayaa dhab ah hkuu aqoonsadee tilmaamahaasi ma kugu duugan yihiin oo intaa iyaga kaashato ma furfurtaa dabinada hal-xidhaalaha ee asaagaa kuu maleegay? Haddii kale xirib sii ridan ma lihid oo caamo oo kale ayaa tahaye dhagaha bulshada ka bax hal-abuurna ha sheegan. Siday ila tahay, dhagayste, kaasi wuxuu ahaa xeer aan cadaaladu ku weyneyn, maxaa yeelay wuxuu i horseeday rag badan oo maleegga hal-xidhaalaha iyi furidiisa mooyee qeybo kale oo maanso ku fiicnaan lahaa in ay goobta ka baxaan ooy in yari ku kaliyeysato. Tusaale Seyid Maxamed iyo Gooni: Seyid Maxamed oo ahaa hogaamiyihii halgankii Daraawiishta iyo gabayaagii la odhan jiray Gooni kana tirsanaa dadkii Hobyo looga talinayey halgankaa iyo Seyidkana kasoo horjeeday ayaa waxaa dhexmaray colaad maanso oo gadaalkii hal-xidhaale isu rogtay. Collaadooda maanso waxaa saldhig u ahaa collaadii siyaasadeed ee u dhaxaysay Seyidka iyo intii jihaadkiisa ku gacan saydhay ee uu Gooni ka mid ahaa. Gooni wuxuu tiriyey gabay dheer oo hal-xidhaale ah kana kooban 16 qodob kuna wada dhamaada "waa cajabee sheega?" Seyidku markuu tixdaa helay mid mid ayuu u furay isagoo waliba cambaarayn iyo ceebayn jawaab kasta ku ladhaya. 16kii qodon in aan wada sheegno waqti u heli mayno ee saddex qudh ah iyo jawaabtii Seyidku ka bixiyey aan isku soo koobo. Wuxuu yidhi Gooni: Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega? Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega? Cir unkaday hilaac laga cabsaday karadh cabaadaysa Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee sheega? Seyidkaa furay oo wuxuu yidhi: Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi? Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay? Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare Dhiigii carada qooyey waa cadar di'iisiiye Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta maan saarin?! Seyid Maxamed ayaa markaa,, markuu tii Gooni furay ayuu wuxuu tiriyey tix hal-xidhaale ah oo uu dhextaal uga dhigay "cara ee yaa sheega" kana kooban dhowr iyo toban qodob iyaduna. Tixdaa waxaa wada furay Gooni. Shan hal-xidhaale iyo jawaabihii Gooni ka bixiyey shantaa ayaan isku soo koobayaa. Wuxuu Seyid Maxamed yidhi: Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega? Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega? Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega? Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega? Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka ahaaday Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega? Shantaa qodob jawaabihii Gooni ka bixiyey waxay ahaayeen: Anagaan ciraab li'i ku kicin curuf la'aaneede Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho Wax cad oo madow sow indhaha ina caroow ma aha Waxa dunida caadil u ah oon ciddi khilaafaynin Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo Aan calalna oogada ka qabin waa cajab Ilaahe Cunno weeye oo waa aqaan caynka ay tahayee Caradhoonku waa waxaad kurtiin calalinaysaane Maxaad iga cimrayn saa anaa kaa ciraab badane Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye Ma adaan caraabada gudmada ceelasha u qaadin Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye Cudaarkiyo xidkaha kale miyuu calagu noo sheegi Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka ahaaday Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye Camcamada nafta iyo waa danbiga laysku caajimaye Nin cadaab ka baqayaa ma falo camalka qaarkiise Cowdiyo bilee Eebe maa laga cabsoonaado Aw-Axmed Diini: Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato? Ceesaamo wada shoob casoo lag iyo shii gaadhay Oo sano shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobay Aan naaso shaygood la arag wadana sheemaysan Oo uunku wada shaabacdoo dharag ku sheebaystay Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato? Nasiib darro, ma aanaan helin mana ogin in ay jiraan iyo in kale jawaabo uu Maxamuud ka bixiyey labadaa tuduc. Waxaa mudan in loo fiirsado fikrada meesha ku jirta ee ah gabayaanimada Maxamuud iyo aayihiisa suugaameed in ay ku xidhan yihiin kolba siduu u garto jawaabtaa iyada ah ee furaheedu laabta Aw-Axmed Diini uu ku duugnaa. Mid kalana waa kii lahaa: Gud iyo Yicib gaydhiyo maraa geedo tiro gaadhay Haddaad gabay nin shaacir ah ku tahay goynka ka higaadi? Wuxuu ku jawaabay: Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geed e Garaad laawe yahoow ma anagaa garan aqoon waynay Barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho ee uu soo jeedin jiray Axmed Faarax Cali (Idaajaa)